Ciyaar lagu sagootinayay guddoomiye Qooje oo ka dhacday garoonka Wisil

Kulan kubadda cagta ah oo lagu sagootinayay guddoomiyaha Ururka Socus RY C/qaadir Axmed Macalin Qooje ayaa ka dhacay garoonka Calanka degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Kulankaan ayaa u dhaxeeyay Xulka kubadda cagta Wisil iyo iyo Kooxda Wisil Star, waxa ayna ciyaartooda ay ku soo dhamaatay bar baro 0-0.

Guddoomiyaha ururka Socus Ry C/qaadir Axmed Macalin Qooje ayaa dhawaan qalab dhameystiran u qeybiyay xulka Wisil iyo kooxda Wisil Star.