Guddoomiyaha Ururka Socus Ry C/qaadir Axmed Macalin Qooje oo ka qeyb galay koob lagu maamuusayay sanad guuradii shanaad ee Xarunta barbaarinta Booliska Soomaaliyeed.

Koob lagu maamuusayay sanad guuradii shanaad xarunta barbaarinta caruurta Booliska Soomaliyeed ayaa ka qabsoomay garoonka xaruntaas ee ku yaala degmada Wadajir.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay taliyaha xarunta barnaarinta sareeya Guuto Cali Xirsi Bare Cali Gaab, Guddoomiyaha jaaliyadda Isboortiga Finland ahne guddoomiyaha ururka Socus Ry C/qaadir Axmed Macalin Qooje iyo Masuul ka socda xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya kaasoo lagu magacaabo C/raxiim Suufi Karaama.