Qalab ku doonsiintii Ururka Socus Ry ee Xulka Wisil

Ururka Socus ayaa qalab Isboortis oo dhameystiran ku doonsiiyay Maamulka Sportiga degmada Wisil, kuwaa oo si diiran usoo dhaweeyay guddoomiyaha ururkaas.

Qalab ku doonsiinta oo ka dhacday xafiiska Sportiga degmada Wisil ayaa waxaa ku sugnaa Cabdi Maxamuud Cumar Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil, Muno Cali Ducaale Guddoomiye ku xigeenka maaliyada, Xasan Xuseen Faarax Guddoomiyaha dhalinyarada iyo guud ahaan Maamulka isboortiga degmadaas oo uu hogaaminayay C/risaaq Cali Ducaale.

Masuuliyiintii degmada Wisil ee goobta ka hadashay ayaa ugu mahadceliyay guddoomiye qooje soo gaarsiinta qalab dhameystiran oo uu ugu tala galay in lagu hormariyo dhalinta Kubada cagta Ee degmada.

Geesta kale Guddoomiye C/qaadir Axmed Macalin Qooje ayaa sheegay in Wisil ay tahay meeshii ugu horeysay Ee galmudug uu soo booqday