Soo dhaweyn aan horay loo arag oo guddoomiye C/qaadir Axmed qooje loogu sameeyay degmada Wisil

Guddoomiyaha Isboortiga Jaaliyadda Finland ahne guddoomiyaha ururka Socus RY C/qaadir axmed Cilmi Qooje ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Wisil ee Gobolka Mudug.

Safarka guddoomiyaha ayaa salka ku haya qeybtinta qalab dhameystiran oo ururka Socus RY ugu tala galay xulka kubadda cagta Wisil.

Soo dhaweynta guddoomiye Qooje looma kala harin, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiinta ugu sareysa degmada Wisil,bahda Isboortiga,kooxaha ka dhisan Wisil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaa oo ugu hortay duleedka degmada si ay usoo dhaweeyaan.