Garoonka Futsalka degmada Xamar weyne Ee gobolka waxaa lagu soo gaba gabeeyay tartan Aad u xiiso badan kaasoo loo qabtay Ilaa iyo 6 Koox.
Tartankaan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa qabta Ururka Socus Xili Ay ciyaaraan xidigo da’doodu u dhaceyso 14 jir Ilaa 16 jir.
Guddoomiyaha Ururka Socus ahne gudoomiyaha Jaaliyada Finland C/qaadir Axmed Macalin Qooje, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tartankaan Ay ugu tala galeen garab istaaga dhalinyarada reer Xamar Weyne waxa uuna u sameeyay balan qaayo kale oo ku aadan qabaahada tartamo xiiso badan.





