Ururka Socus Ry oo qalab isboortis ku doonsiiyay caruurta ku sugan xarunta barbaarinta agoonta Booliska Soomaaliyeed

Caruurta ku sugan Xarunta barbaarinta booliska Soomaaliyeed  ayaa Maanta waxaa la gudoonsiiyay qalab Isboortis , oo ka yimid Ururka Socus Ry.

Gudoomiye Qooje  ayaa waxaa xarunta barbaarinta ku soo dhaweeyay Taliyaha Xaruntaas Sareeye Guuto Cali Xirsi Bare Cali Gaab.

Ka hor agab bixinta caruurta xarunta Barbaarinta ayaa goobta kusoo bandhigay Heeso iyo madadaalo kale oo lagu soo dhaweynayo gudoomiye Qooje.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Sareeye Guuto Cali Xirsi Bare Cali Gaab, waxa uuuna ugu horeyn u mahadecliyay Gudoomiye Qooje soo gaarsiinta qalabkaan,isagoo sheegay in marar badana y Socus ka arkeen baraha Bulshada iyagoo garab istaagaya Isboortiga.

Gudoomiyaha Isboortiga jaaliyada Findland ahne gudoomiyaha Ururka Socus  C/qaadir Axmed Macalin Qooje ayaa dhankiisa sheegay in Socus ay garab taagan tahay caruurtaan, waxa uuna u balan qaaday in mar walba ay tartan ka qeyb galayaan in ay Socus RY ka helaan qalab isboortis oo dhameystiran.